Friday, January 10, 2025
HomeAll NewsDiyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo Duqeymo ka Fuliyay Dalka Yemen.

Diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo Duqeymo ka Fuliyay Dalka Yemen.

Warbaahinta taabacsan kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, ayaa baahiyay in diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ay duqeymo ka geysteen wuqooyiga dalka Yemen.

Duqeymaha oo saddex gaarayay ayaa ka dhacay bariga magaalada Sacdah ee wuqooyi galbeed dalka Yemen, illaa iyo hadana lama soo warin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen duqeymahan ka dhacay dalka Yemen.

Waxay kusoo aadayaan duqeymahan iyadoo kooxda Xuuthiyiinta ay sheegtay, in gantaal nooca ridada dheer ah ay ku weerartay magaalada Talla’biib ee ay caasimadda ka dhigteen Yahuudda.

Qalabyada bixiya digniinaha ayaa laga daaray Talla’biib, waxaana jabhadda daakhiliga ah ee Yahuudda ay sheegtay in dad badan oo Yahuud ah ay ku carareen godadka dhulka hoostiisa ka qodan, ee ay isku dayaan iney geerida uga baxsadaan.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Yahuuddu ka wado Qazza, waxay kooxda Xuuthiyiinta ee shiicada ah tilmaamtay in badda Cas aaney marin maraakiibta Yahuudda leedahay ama ku wajahan.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna waxay iyagoo ka jawaabaya go’aanka ay Xuuthiyiintu ku xireen Badda Cas, waxay dhowrjeer duqeymo silsilado ah ka fuliyeen dalka Yemen, taasoo ay ku beegssadeen goobaha ay ka taliyaan Xuuthiyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments