Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaDiyaarad Rakaab oo uu Maraykanku Leeyahay oo Lagu Weeraray Haiti.

Diyaarad Rakaab oo uu Maraykanku Leeyahay oo Lagu Weeraray Haiti.

Shirkadda duulimaadyada ee Sbirit oo laga leeyahay dalka Mareykanka, ayaa war ay soo saartay maalintii shalay ku sheegtay, in mid kamid ah diyaaradaheeda ay lagu furay rasaas, xilli ay dooneysay iney ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda u ah wadanka Hayti, islamarkii waxaa duulimaadkeeda loo leexiyay meel kale, iyadoo markii dambe ka degtay garoon ku yaalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Weerarkan diyaaradda waxaa kasoo gaaray waxyeeloo fudud, sida diyaaraddu sheegtay, waxaana sido kale ku dhaawac aan weyneyn uu kasoo gaaray hal qof oo kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Weerarkan ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen xubno kamid ah kooxo kajira dalkaasi, waxayna Shirkadda iska leh diyaaradda sheegtay iney ka hakisay duulimaadyadii ay ku tegijirtay halkaasi tan iyo inta qiimeyn qoto dheer looga sameynayo weerarka dhacay.

Dalka Hayti ayaa waxaa ka jira qalalaaso amni, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, oo ay usii dheer yihiin musiibooyin kale oo heysta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments