Maalintii shalay dhisme ka kooban 3 dabaq ayaa ku duldumay dadkii deganaa kaaso ku yiilay magaaalada AL-Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Dhismaha ayaa aad uburburay waxaana ku dhintay 8 ruux halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, kuwaaso dhaawacyadooda loo qaaday isbitaal si loola tacaalo xaaladooda.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa soo gaaray waxyeelooyin kala duwan oo halis ah, waxaa lagu daweynayaa isbitaalka AD-Dimardaash eek u yaalla wadankaasi.
Arrintan ayaa Qaahira ka dhacday subaxnimadii shalay, waxayna si gaar ah cabsi weyn ugu beertay dadka kale ee degan dhismayaasha noocaan ah iyo kuwa kale ee ka agdhow.
Ma ahan markii ugu horreysay oo dhacdo noocaan laga soo tebiyo dalka Masar, waxaana horay loo diiwaan geliyay kuwo lamid ah tan shalay dhacday.