Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku waramaya, in dilal qorsheysan loo geystay rag dhalinyaro ah oo kamid ah dadka ku dhaqan dhulkaas.
Dilka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dhooba-weyn ee dhulka Soomaali-galbeed ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Xasan Muumin, kaas oo meydkiisa lasoo dhigay wadooyinka magaalada.
Dilka labaad ayaa waxaa isana loo geystay Cabdullaahi C/Nuur oo kamid ah dhalinyarada degmada Gursum ee dhulka Soomaali-galbeed, kaas oo lagu hor dilay xarumo ay dagan yihiin hogaanka maamulka Mustafa Cagjar.
Dilalka loo geystay wiilashaan ayaa waxaa lasoo warinayaa iney ka dambeeyeen ciidanka maamulka ay Xabashida Itoobiya ka dhistay dhulka Soomaali-galbeed.