Ku dhawaad 10 maalmood ayay Korontadu ka maqan tahay degmada Wajaale oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya.
Bulshada ku dhaqan degmada Wajaale oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya, ayaa waxa ay muddo 9 maalmood ah wajahayaan koronto la’aan.
Arrintaan ayaa sababtay iney joogsadaan lacagihii isgaarsiinta la isugu diri jiray, taas oo cabaqad ku noqotay nolosha dadka ku dhaqan degmada Wajaale.
Mid kamid ah odayaasha ku degmada Wajaale ayaa ka warramay dhibaatada xagga korontada ah ee ka jirta degmada, isagoo sheegay in Dowladda Xabashida ay kol sii horreysayba ay xirtay bankiyadii ku yiilay magaalada.