Telefashinka dowladda Sweden ayaa baahiyay in magaalada Stockholm ee caasimadda dalkaasi lagu dilay, Salwaan Momika oo horay marar badan gudaha dalkaasi ugu gubay kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Ninkan ayaa la toogtay isagoo ku dhexjira gurigiisa, waxaana rasaas la dhacay ruux hubeysan sida ay wararku sheegayaan.
Wuxuu asal ahaan kasoo jeedyaa dalka Ciraaq, qarxooti ahaan ayuuna isaga dhiibay wadankaasi, halkaasi ayuuna ku dhuumaaleysanayay muddooyinkii udambeeyay.