Warar goordhaw soo dhacay ayaa sheegaya in uu magaalada Hargeysa ku geeriyooday, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa madaxweynihii hore ee maamulka la baxay Soomaaliland.
Ilo ehelkiisa ah ayaa xaqiijiyay geerida Siilaanyo, walow aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan geeridiisa.
Ninkaan ayaa ahaa madaxweynihii 4-aad ee uu yeesho maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana uu xilka hayay mudadii udhexeysay udhaxaysay sanadahii 2010 illaa 2017-kii.