Thursday, January 16, 2025
HomeAll NewsDEG-DEG: Heshiis Xabad Joojin ah oo ay Gaareen Muqaawamada Filastiin iyo Yahuudda.

DEG-DEG: Heshiis Xabad Joojin ah oo ay Gaareen Muqaawamada Filastiin iyo Yahuudda.

Dowladda Qadar ayaa goordhow waxay ku dhawaaqday, in heshiis xabad joojin iyo maxaabiis is-dhaafsi ah ay gaareen Kooxaha Muqaawamada Filastiin iyo maamulka Yahuudda.

Heshiiskan oo wejigiisa koowaad uu soconaya dhowr todobaad, waxay Muqaawamada Filastiin sii deyn doontaa 33 maxbuus oo Yahuudi ah, halka Yahuuddu ay ciidankooda kala bixi doonaan Qazza, sidoo kalena ay sii deyn doonaan kumanaan maxaabiis ah.

Durba waxaa Marinka Qazza ka billowday dabaal-degyo farxadeed oo ay dhigayaan dadka Muslimiinta ah, kuwaasoo Allaah uu guuleeyey kadib sabar iyo nafhur muda dheer ay sameynayeen.

Waxaa uu Natanyahu ku qasbanaaday inuu ogolaado dhamaan qodobadii uu horey u diidanaa, isagoo meel iska dhigay oraahdiisii ahayd ” waxaan awood kusoo furaneynaa maxaabiista” taasoo ku hor burburtay sabarka dagaalyahannada Muqaawamada iyo Muslimiinta Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments