Dagaallo ayaa markale waxa ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobalka Togdheer ee woqooyiga Soomaaliya.
Dagaalladaan ayaa waxa ay ka dhaceen nawaaxiga deegaanka Gurilugud ee gobalka Togdheer, waxa uuna udhexeeyay ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland iyo kuwa isku magacaabay SSC.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidanka maamulka la baxay Soomaaliland weerar ku qaadeen, goobo ay ku sugnaayeen kuwa kasoo horjeeda.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay wax udhaceen, isagoo sheegay in dagaalladu ay yihiin kuwa soo noqnoqday, dhinacyada dagaallamayana ay difaacyo ku kala jiraan