Odayaasha iyo dadka ku dhaqan degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dulqaado xayiraadda ka saaran socdaalka hawada.
Wali waxaa degmooyin katirsan goballada Gedo iyo Jubada-hoose saaran xayiraad xagga duulimaadka ah oo ay Dowladda Fedaraalka kusoo rogtay degmooyinkaas oo uu ka arrimiyo maamulka la baxay Jubbaland.
Tani ayaa saameeyn daran ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku safri jiray diyaaradaha, iyadoo magaalooyinka qaar xayiraaddaas darteed ay tiro dad ah ugu geeriyoodeen.
Odayaasha iyo dadka ku dhaqan degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa walaac daran ka muujiyay saameynta ay ku yeelatay xayiraadda xagga duulimaaadka ah ee saaran degmada, iyagoona codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan looga dul qaado xayiraaddaas.