Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaaa ku waramaya in tiro dad ah ay udhinteen Khamri ay cabeen, falkaas oo ka dhacay ismaamul katirsan dalkaas.
Ugu yaraan 3 qof oo Kenyan ah ayaa Khamri ay cabeen waxa ay ugu dhinteen Ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya.
Laba kamid ah dadkaas ayaa geeriyooday iyagoo lagu dabiibayo xarun caafimaad oo ku taalla ismaamulka Nakuru, halka kan 3aadna isbitaalka la keenay isagoo meyd ah.
Mid kamid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in dadkaan markii ay Khamriga cabeen kadib ay dareemeen daciifnimo islamarkaana ay aragooda waayeen, taas oo sababtay in ugu dambeyn ay ugeeriyoodaan.