Dibadbax ka dhan ah dhulboob ay wadaan xubno katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maalintii shalay waxaa xaafadda Soona-keey oo katirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dhacay, dibadbax ay dhigeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan degmadaas.
Dadka ayaa waxa ay kasoo horjeedeen dhulboob ay sheegeen iney kala kulmayaan xubno katirsan Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ay tilmaameen in si xoog ah ay dhulkooda u boobayaan.
Halkaan ka Degso Warka Dhulboobka