Iyadoo wali dabku uu ka holcayo Los Angeles, ayaa 24-tii saac ee lasoo dhaafay wuxuu ku faafay masaafo dhuleed oo dhan 1,000 [kun] Hegtar, waxaana gubtay guryo hor leh oo ka dheeriya kumanaankii horay ubasbeelay.
Meydadka dad cusub ayaa laga dhex helay goobihii dabku basbeeliyay, waxayna dhimashadu gaartay 16 ruux, dadka dhintay ayaa labo goo bood kaliya laga helay meydadkooda, halka ay jiraan goobo aan la garaneyn waxa ku jira maadaama dabku uga holcayo, waxaana suurgal ah in laga helo meydadka dad hor leh oo dhuxuloobay ama si daran ugubtay.
Hadal haynta ugu wayn ee Dunida ka taagan xilligan waa gubashada ka socota Mareykanka gaar ahaan Los Angeles oo ah magaalada Fisqiga iyo fasaadka, waxayna dadka Muslimiintu iskugu bishaareynayaan sida uu Ameerikaanka Allaah u halaagayo.
Goob waliba oo uu dabkan soo maray wuxuu ka dhigay dambas, waxayna magaaladan uburburtay si aysan uburburin magaalada Qaza oo lagu gumaaday ay ahaayeen, wax gacmo bani’ aadam sameeyeen.
Cabsiada haysa dadka Ameerikaanka ah ma ahan wax lasoo koobikaro, waxayna indhahooda ku arkeen waxa ay cibro qaadasho ugu sugan tahay.