Mandiqadda Daaru-Salaam ee dhacda Galbeedka Ummu Darmaan oo ay gacanta ku hayaan kooxda RSF ayaa waxaa cunno yari awgeed ugu dhintay dad gaaraya 20 ruux, halka xaalado kale oo laxiriira arrintan wali laga soo sheegayo mandiqadda.
Dadka dhintay waxay ka koobnaayeen 8 caruur ah iyo 12 dad weyn ah, waxaana dhimashooda xaqiijyay qolayaha caafimaadka qaabilsan ee mandiqaddaasi.
Waxaa dhimashada dadka sabab u ahaa kooxda RSF oo dhac iyo burburin ugeystay suuqyadii ay lahaayeen, iyagoo sido kale jidadka ugu jira wixii raashin ee mandiqadda soo geli lahaa.
Xaaladaha ay ku jiraan dadkan la xanuunsanaya gaajada, ayaa waxay kor udhaafayaan 260 kiis, waxayna suuragal ah iney dad hor leh ugeeriyoodaan haddii aan laga gaarin.