Deegaanno katirsan dhulka NFD ee ay gumeysato Kenya oo mudooyinkii lasoo dhaafayba ay biyo la’aan ka jirtay ayaa waxaa lasoo warinayaa in iminka ay xaaladda kasii dartay.
Dadka ku nool deegaanno hoostaga magaalada Wajeer ayaa wajahaya xaalad biyo la’aan oo daran, taas oo sababtay iney dad u dhintaan biyo la’aanta halkaasi ka jirta.
Deegaanka Ogaraale oo hoostaga Wajeer ayaa kamid ah goobaha ugu daran ee ay ka taagan tahay biyo la’aanta, waxaana halkaasi xaaladdaan darteed ugu geeriyooday 2 ruux, sida uu ka warbixinayo mid kamid ah xildhibaannada maamulka ay Kenya ka dhisatay dhulkaas.