Waxaa marba marka kasii dambeysa kor usii kacaya cabsida ay dalka Ameerikaanka ah ka qabaan, dabka ka howlcaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi, iyagoo ka baxaya iney ku timaado dabeyl mar kale, uhurisa dabkan, kuna faafisa goobo hor leh oo kamid ah magaalada.
Dabkan ayaa wali sidiisii u holacaya wuxuuna u fiday dhul kumanaan Higtar ah, iyadoo ay guryo qaali ah ku waayeen dad maal qabeyno ah.
Tirada dhimashadu wali waa 24 ruux waxaase soo kordhay oo nolol iyo geeri lagu la’yahay 16 qof, 24 dhimatay 16 kamid ah ayaa hal meel laga helay oo ah mandiqadda Iituun, halka 8 kalena lagu arkay maydadkooda mandiqadda Biliyasiidiz.
Kooxda Dab damis ee magaalada Los Angeles ayaa ka quustay daminta dabkan, waxayna si cad usheegeen ineysan waxba ka qaban Karin.