Kadib muddoo 4 maali ah uu wali howlcayo dabka ka dhashay dabeylaha, waxaa wali gubeysa magaalada Los Angeles ee dhacda gobolka Kaliforniya ee dalka Mareykanka.
Inta uu socdo dabkan waxaa ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba, iyadoo guryahooda ay faarujiyeen kumanaan dad ah sababo la xiriira dabka, halka kuwo kalena ay heegan ugu jiraan iney ka qaxaan guryahooda.
Illa aiyo haatan inta warbaahintu tebineyso, waxa dabkan ku dhintay ugu yaraan 11 ruux, haalka ay ku gubtay hanti balaayihiin doollar ah.
Shirkad Ameerikaan ah oo qiimeyn ku sameysay dhaqaalaha ku gubtay Los Angeles ayey ku qiyaastay hantida gubatay iney udhaxeyso, 135 illaa 150 bilyan oo doollar.
Dhinaca kale 153,000 [boqol konton iyo sedax kun] dad lagu qiyaastii gaaraya oo dhashay Mareykanka ayaa lagu amray iney guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira dabka oo soo gaaray, halka 166,000 [boqol lixdan iyo lix kun] oo kalena heegan ku jiraan, xilli kasta oo ay halis dareemaanna suuragal tahay iney banneeyaan guryahooda.
Taliyaha Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in 58,000 [konton iyo seeded kun] oo guri ay halis ugu jiraan iney gubtaan, dabkuna marba marka ka dambeysa waa mid sii fidaya.