Malaayiin ruux oo kamid ah dadka kunool dalka Maraykanka ayaa wajahaya, halisyo la xiriira dabeylo baraf wato iyo roobab mahiigaan ah oo la filayo iney ka da’aan qeybo kamid ah dalkaas.
Gudoomiyaaha gobollada Kantaaki iyo Verginia ee dalka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ay gobolladaasi galeen, sababo ku aadan iyadoo la filayo dabeylo xoogan, khubarada aqoonta u leh arimaha sahdaasha ayaana sheegay in xaaladdu tahay mid aad u adag.
Ugu yaraan lixdan milyan oo ruux oo Ameerikaan ah ayaa waxaa la gaarsiiyay digniino la xiriira dabeylaha la filayo, waxaana la siiyay taloooyin ku saabsan sida ugu sahlan ee ay ay tahay iney ula falgalaan masaa’ibtan la filanayo.
Gobollada qaar ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka da’ay baraf xoogan oo joog sareeya leh, kuwaasoo meelaha qaar waxyeello gaarsiiyay keyballada korontada ee dhulka hoostiisa mara.
Maalinta berri oo Isniin ah ayay cir bixiyeennadu filayaan in dabeyluhu ay soo gaaraan gobollada xeebta ee Maraykanka, iyagoo wata baraf, waxaana saddex meelood meel gobollada dhaca bariga dalka Maraykanka ka jira qabow aad u daran.
Maraykanka iyo reer galbeedka ayaa Allaah wuxuu mar weliba ku salladaaa masaa’ib Rabaani ah oo ay ku muteysteen dulmiga ay ku hayaan naftooda iyo dadka Muslimiinta ah, Ingiriiska ayaana sidoo kale kamid ah dalalka laga filayo dabeylaha adag.