Kalluumeysatada magaalada Muqdisho, ayaa sheegay iney badda xaaladeeda kacsantahay, oo ay dabeylo ku jiraan, laguna la’yahay kaluumeysato dhowr ah.
Rooble Nuur Maxamed oo ah naaqude ka kalluumeysta xeebaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligan ay baddu kacsantahay, ayna ku maqanyihiin dhowr qof oo aan nolol iyo geeri lagu heynin.
Wuxuu sidoo kale ka sheekeeyey noocyada dabeylaha ka kaca badda, iyo xilliyada ay kusoo aadaan, inta ay aqoontooda gaarsiisantahay.