Dab xooggan oo ka bilowday kaalin shidaal islamarkaana saameeyay goobo ganacsi oo ka agdhawaa ayaa maalintii shalay ka kacay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dabkan ayaa basbeeliyay xarumo badan oo ganacsi iyo hantidii dhextiillay, wuxuuna geystay khasaare hantiyeed oo ballaaran.
Qaar kamid ah shacabka Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa maamulka magaalada ee maamula qeybta maamulka la baxay Galmudug hoos tagta ku dhaliilay, ineysanba aqoon ulaheyn gaadiidka deb demiska, iyagoo sido kale ka hadlay saameynta uu reebay dabka.