Thursday, December 26, 2024
HomeAll NewsCunno Yari iyo Macluul Laga Soo Sheegayo Deegaanno Katirsan Dalka Suudaan.

Cunno Yari iyo Macluul Laga Soo Sheegayo Deegaanno Katirsan Dalka Suudaan.

Dadka ku nool wadanka Suudaan ayaa waxaa saameyn xooggan oo dhan waliba ah ku yeeshay dagaallada kasocda dalkaasi, kuwaasi oo udhaxeeya ciidamada xukuumadda Suudaan iyo kooxda RSF.

Dagaalladan ayaa sababay dhibaatooyin badan oo ay kamid tahay in qaar kamid ah oo kamid ah dadka ku nool dalkaasi ay noloshoodu halis ugu jirto sababo la xiriira cuno la’aan halka qeyb kalena ay horay ugu dhinteen nafaqo darro.

Xaaladaha dadka nafaqa darrada udhimayana ayaa ah kuwo kasii Daraya marba marka ka dameysa, maadaama degaanada ay dagaalladu kascdaan adagtahay in cunto iyo wax gurmad ah la gaarsiiyo, taasoo ay sii dheer tahay inuu gurmadku ku hor gudban yihiin caqabado ay ugu horreyso in wadada loo galo, ama malleeshiyada RSF ay diidaan in gudaha loosoo geliyo deegaanada ay xoogga ku heystaan.

Baahida ugu daran dadka wajahaya waxay ku nool yihiin magaalooyinka iyo tuulooyinka ay joogaan kooxda Ad-Dacmu As-Sariic, maxaa yeelay dadka ku nool halkaasi waxaa adag iney helaan aasaasiyaadka nolosha, maadaama malleeshiyadan ay ka ka faramaroojiyeen wixii ay haysteen.

5 Mandiqadood oo ku yaalla meelo kala duwan oo kamid ah wadanka Suudaan ayey si darran Macluushu uga jirtaa, halka 17 mandiqadood oo kalena wajahayaan xaalad tan lamid ah, haddii aysan gurmad deg deg ah helin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments