Dagaallada xooggan ee udhaxeeya ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF ee ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa wali ka soconaya dalka Suudaan, waxaana inta ay socdaan dagaalladan magaalooyin dhowr ah lagala wareegay Kooxda RSF.
Wasaaradda dagaalka ee Suudaan ayaa maalintii shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqday, in la wareegtay mandiqadda Masnac Sokoro ee dhacda inta u dhaxeysa gobollada Sanaar iyo Al-Jaziira, laguna tilmaamo iney ahayd dhufeys adag iyo taliskii RSF ay ka weerarijirtay labada gobol, kadib dagaal xooggan oo y halkaasi shalay kula galeen malleeshiyada RSF.
Dagaalka ay ciidanka Suudaan ku qabsadeen mandiqaddan muhiimka ah ayaa waxaa hor dhac looga dhigay, duqeymo diyaaradeed oo markii hore lagu weeraray kooxda AD-Dacmu AS-Sariic, wuxuuna dagaalku bilowday aroornimadii hore ee shalay.
RSF ayaa markii hore magaalada ku qabsaday dagaallo culus oo ay la galnee askarta Suudaan bilooyinkii lasoo dhaafay, taasoo keentay iney di ugurasho sameeyaan ciidanka Suudaan, sidaasi ayeyna mandiqaddu gacantooda uga baxday.
Waa magaalo ay hoos yimaadaan tuulooyin farabadan, islamarkaana istaraatiiji ah marka loo fiiriyo halka ay dhacdo.
Sidaasi si lamid ah, waxaa RSF shalay laga faramaroojiyay magaalada Ummul-Quraa Al-Qariibah oo udhow magaalada Wud-Madani ee ah caasimadda gobolka Al-Jaziira.