Mandiqadda Jamiima ee dhacda Waqooyi Galbeed wadanka Masar, waxaa kasocda barakicin iyo dhulboob ay wadaan ciidanka xukuumadda As-Siisi, kaasoo daba socda amar kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dowladdaasi, oo sheegaya in dadkan xoog looga saaro guryaha ay degan yihiin dhulkana laga farmaroojiyo.
Ciidamada Masar oo fulinaya amarka kasoo baxay wasaaradda, ayaa billaabay iney dadka xoog uga saaraan guryahooda, haddii ay diidanna rasaas nool nool u adeegsadaan.
Muuqaal dhawaan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya, wiil dhalinyaro oo dhulka yaalla islamarkaana dhiig baxaya, kaasoo ay rasaaseeyeen askarta Masaarida.
Dadka deegaanka ee lagula kacayo falalkan ayaa kasoo horjeestay damaca ciidanka Masar, waxay sheegayaan iney dhulalka iyo guryaha iyagu leeyihiin muddo dheerna ay ku noolaayeen.
Dhulkan ay ciidanka Masar ka boobayaan dadka Shacabka ah ayaa la sheegay iney naftooda urabaan iyagu islamarkaana ay ka hirgelin rabaan mashruuc ay wataan oo ay ku lug leedahay dowladda Imaaraadka Carabta.