Dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Xabashida Itoobiya waxaa wali kusii xoogeysanayay, dilalka iyo dhibaatooyinka ay ciidanka Xabashida ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan dhulkaas.
Maleeshiyaad katirsan maamulka Oromiya ee taabacsan Dowladda Xabashida Itoobiya, ayaa waxa ay weerar ku qaadeen tuulo katirsan degmada ee Qarsaa-duulle gobalka Liibaan oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay tuulada Haraabatuun oo 7km ujirta ujirta degmada, waxaana ay ciidanku ku dileen mid kamid ah dadka ku dhaqan tuuladaas.
Waxaa dilkaan ka horreeyay weeraro ay bilihii lasoo dhaafay geysanayeen ciidanka Xabashida Itoobiya oo ay ku beegsanayeen dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dhulka ku hoos jira gumeysiga Itoobiya.
Ciidanka Itoobiya ayaa waxa ay wadada u istaagayaan dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo rasaas oodda uga qaada dadka maraya wadadaas oo u badan Soomaalida ku nool mandiqadda.
Isla deegaankaaan ayay ciidanka Xabashida Itoobiya waxa ay sidoo kale soo weerareen muddo 3 jeer ah, iyagoona dhaawacay 4 ruux oo shacab ah, kuwaas oo 2 kamid ah ay xaaladoodu culus tahay.
Todobaadyadii lasoo dhaafay oo kaliya, waxa ay ciidanka Itoobiya weeraro ay ka geysteen deegaanno katirsan dhulka Soomaali-galbeed ay ku dileen ugu yaraan 4 qof oo rayid ah.
Shacabka degmada Qarsaa-duulle gobalka Liibaan ayaa isku dayay iney ku baxaan ciidamada katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya ee dhibaatada ku haya, balse waxaa is hortaagay maamulka Oromiya oo sheegay iney iyaga ka war sugaan.