Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay weeraro isugu jira qarax iyo mid toos ah ka fuliyeen, degmooyin katirsan goballada Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, xerada askarta Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool.
Sidoo kale weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Illaa iyo hadda ma aanan helin xogo dheeraad ah oo ku aaddan, khasaaraha ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku gaaray weeraradaas.