Askarta maamulka Sahaayinada ee ku sugan deegaano dhaca Koonfurta Wadanka Lubnaan ayaa wada dhibaatooyin kala duwan oo ay kula kacayaan dadka rayadka ah.
Illaa 9 qof oo shacab ah ayey dhaawaceen kadib markii ay rasaas ku fureen, halka 4 kalena ay xireen, kuwaasoo markii dambe ay 3 kamid ah soo daayeen.
Iyadoo dhibaatooyinkaasi ay ku kacayaan ayey hadane dhanka kale duqeymo diyaaradeed ka fuliyeen halkaasi, kuwasoo ay ku dhaawacmeen 5 ruux sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Lubnaan.
Ciidamada Yahuudda ayaa dadkii shacabka ahaa ee ay ka barakiciyeen degaano dhaca Koonfurta Lubnaan waxay udiidan yihiin iney dib ugu soo laabtaan guryahooda, iyagoo raba iney xoog kula wareegaan halkaasi.