Sunday, January 19, 2025
HomeAll NewsCiidamada Yahuudda oo Markale Gudaha u Galay Dalka Suuriya.

Ciidamada Yahuudda oo Markale Gudaha u Galay Dalka Suuriya.

Galabnimadii Jimcaha askar katirsan kuwa Sahaaniyada ayaa ku dhawaad 100 Kiilow mitir gudaha ugalay dalka Suuriya, iyagoo wata gaadiidkooda dagaalka.

Ciidanka Yahuudda ayaa tegay gobollada Al-Quneydhira iyo Darca, waxayna isku fidiyeen magaalooyin iyo tuulooyinka dhaca baadiyaha Galbeed ee gobolka Darca.

Yahuuddu tan iyo Maalintii la riday nidaamkii Nuseyriga ee uu hogaaminayay Bashaar Al-Asad illaa iyo maanta waxay la nooshihiin cabsi iyo wal wal aan marna noloshooda faaruqin, waxayna ka cabsanayaan in dhanka Suuriya laga soo weeraro, taasi ayaana hoyaad iyo harsi udiiday, kuna kalliftay iney ku dhaqaaqaan ficilladan gurracan.

Waxay ciidanka Yahuuddu usocdaan ayaa ah dhul ballaarsi iyo iney xoog kula wareegaan qeybo kamid ah Suuriya ama wadanka dhan, mana dhaafayaan dulmiga haddii aysan helin gacan iska qabata.

Qorshaha uu haatan wado kayaanka Sahyuuniga ah inuu yahay mid hore oo aan haatan soo billaaban, si ay ku fuliyaan dhagartooda ayey waddo usameysteen, xilli uu suuriya ku amar ku taagleynayay dhiigya cabkii Bashaar.

Maamulka Yahuudda ayaa markii hore qeybo kamid ah Suuriya xoog ku haystay, haatan waxa uu doonayo waa qeyb kale oo hor leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments