Maxamed Deeq Ibraahim Salaad, oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo 15 sano jir ah, ayaa lagu dilay Xaafadda Macallin Cabdulle ee degmada Dharkenley.
Askari katirsan ciidamada Dharcadka ee Dowladda Federaalka, kana tirsanaa koox ciyaal weero ah ayaa dilay wiilkan yar, waxaana uu markii dambe ka baxsaday goobta.
Ehellada wiilka la dilay iyo dad goobjoogayaal ah oo warbaahinta la hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dheceen.