Dadkaan oo dhigayay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dil uu askari katirsan qof shacab ah ugu geystay degmada Wanwaleyn ee gobalka Sh-hoose, ayaa waxaa rasaas ku furay ciidamo katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Ciidanka ayaa la dilay 2 ruux oo kala ahaa haweeney iyo oday waayeel ah, waxaana dibadbaxa uu yimid kadib markii lasii daayay askariga horay dilka ugeystay.
Sidoo kale waxay ciidamada Xabasiga dhigeen qaar kamid ehellada ninka horay loo dilay iyo dibadbxayaasha, waxaana sida ay wax u dhaceen ka waramaya Abshir Maxamuud Maqaarey oo kamid ah masuuliyiinta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee degmada Wanwaleyn.