Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa xaafadda siliga ee degmada Yaaqshiid oo katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ka geysteen, falal isugu jira jirdil, dhac iyo burburin dhismooyin.
Guri ku yaalla degmaada Yaaqshiid ayay weerarka ku qaadeen ciidamo katirsan Boliska Dowladda Fedaraalka, waxayna guriga ku dul-dumiyeen qoyska kadibna ay boobeen hanti tiillay haalkaas oo isugu jirtay Dahab lacag iyo agabyo kale.
Dadka ay dhibaatada u geysteen ciidamada Dowladda Fedaraalka waxaa ku jiray haweeney 80 jir ah iyo oday waayeek ag oo kamid ahaa qoyska gurigooda lagu dul dumiyay.
Halkaan ka Degso Warka Tacaddiga Ciidanka