Askari katirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka ayaa qof shacab ah ku dilay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh.Hoose.
Dilkan ninkan shacab ah ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay murmeen askariga, kadibna uu ku dhuftay rasaas.
Qaar kamid ah shacabka degmada Wanlaweyn oo dibadbax sameeyay iyago carooday in askarigii dilay qofka shacabka ah oo markii hore la xiray xabsiga laga sii daayay, arrintaasina uu ku dhaqaaqay taliyaha saldhigga Wanlaweyn ee hoostaga maamulka la baxay Koonfur-Galbeed.