Monday, January 6, 2025
HomeAll NewsCiidamada Dowladda Federaalka oo Dilal iyo Dhac ka Wada Degmada Qoryooley.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo Dilal iyo Dhac ka Wada Degmada Qoryooley.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa dil iyo dhac ka wada degmada Qoryooley ee gobalka Sh-hoose, iyadoo dadka ku dhaqan degmada ay dhigeen dibadbax ay kaga soo horjeedaan arrintaas.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa degmada Qoryooley ee gobalka Sh-hoose ka taaqgnaa arrimo amni darro ah oo ay sababeen askarta Dowladda Fedaraalka.

Ciidanka ayaa billaabay iney habeen iyo maalin dhac u geystaan dadka degmada Qoryooley, waxaana askartu ay rasaas ku fureen dad dibadbax dhigayay, taas oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 1 cunug oo yar ayay dileen ciidanka iyagoo sidoo kale dhaawacay 2 kale, sida uu xaqiijinayo mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Qoryooley.

Halkan kala deg Warka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments