Thursday, January 9, 2025
HomeAll NewsCiidamada Dowladda Fedaraalka oo Nin Beeraley ah ku Dilay Gobalka Sh-dhexe.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Nin Beeraley ah ku Dilay Gobalka Sh-dhexe.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, dad beeraley ah oo ku sugnaa deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe.

Ciidamada ayaa waxa ay dileen mid kamid ah beeraleyda iyagoo dhaawacay 3 kale, halka ay dab qabadsiiyeen gaari Cagaf ah oo ay lahaayeen dadka la weeraray.

Qaar kamid ah ehellada dadka la weeraray ayaa waxa ay sheegeen, in dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkooda ay ka dameeyaan ciidamo uu soo diray Nuur Dheere oo ah gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, kaas oo ay tilmaameen inuu soo eryay Dowladda Fedaraalka waxna aysan ka qaban karin ninkaas.

Halkaan ka Degso Warka Ceelbaraf

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments