Wararka ka imaanaya gobalka Sh-dhexe ayaa ku waramaya, in ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ay soo faarujiyeen, fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Xawaadley iyo deegaanno kale oo katirsan gobalka.
Arrintaan ayaa daba socota dil ay maleeshiyaadka Macawiisleyda degmada Ceelbaraf ugu geysteen 7 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka.
Muuqaal ay iska soo duubeen askarta ayaa lagu arki karay iyagoo isaga baxaya furimaha ay kaga sugnaayeen qeybo kamid ah gobalka Sh-dhexe.