Maalintii shalay dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa ka billawday, deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh-dhexe, halkaas oo maalimihii lasoo dhaafay ay xiisado ka taagnaayeen.
Inkastoo aan wali lasoo warin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay dhacay, haddana waxa ay xoguhu tibaaxayaan in rasaas teel teel ah wali la maqlayo, ciidankuna ay is hor fadhiyaan.
Tani ayaa sidoo kale sababtay inuu barakac ka billawdo deegaanka Ceelbaraf, waxaana xaaladihii ugu dambeeyay ka warramaya mid kamid ah dadka deegaankaas.