Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in deegaan katirsan ismaamulka Siaya ee gudaha dalkaasi lagu dilay canug yar oo 7 jir ah.
Dad ka careysan falkaan dilka ah ee lagula kacay canuga yar ah ayaa waxa ay dab qabadsiiyeen, tiro guryo ah oo ku yaalla islaamulka uu falkaan ka dhacaay.
Boliska Kenya ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaan, ayna saxaafadda la wadaaagi doonaan wixii kasoo baxa.
Wax ay intaa ku dareen in meydka wiilka yar laga helay meel keyn ah, hal maalin kadib markii ay waalidiintiisu sheegeen iney waayeen ubadkooda.
Caalamado muujinaya in ceego lagu dilay wiilka yar ayay Bolisku sheegeen iney ku arkeen meydkiisa, ayna baaritaanno ku wadaan kiiskaan.