Cabdi Salaam Guuleed oo ah taliye kuxigeenkii hore ee Sirdoonka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in Itoobiya wixii ay ka rabtay Soomaaliya ay si dhib yar kaga heshey.
Wuxuu tilmaamay in heshiiskii ay horey ula gaartay maamulka labaxay Soomaaliland aanu waxbadan ugu fadhin Itoobiya, ujeedkeeduna yahay iney bad hesho maantana taasi ay heshey.
Wuxuu kaloo tilmaamay iney jiraan qodobo muhiim ah oo shirkii Ankara loogu saxiixay Itoobiya balse aan warbaahinta aan laga sheegin, taasoo ay kamid tahay in heshiiskii MoU-ga aan lasoo hadal qaadin, bad halkey doonto laga siiyo, ciidankeeda dalka Soomaaliya joogana aan laga saarin dallada duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya.