Saturday, December 21, 2024
HomeAll NewsC/raxmaan Cirro oo Mareykanka u Fulinaya Qorshe Halis ah oo uu ka...

C/raxmaan Cirro oo Mareykanka u Fulinaya Qorshe Halis ah oo uu ka Damacsan Yahay Berbera.[SAWIRRO]

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Soomaaliland ka dagay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, kuwaas oo kulamo la qaatay madaxda ugu sarreysa ee maamulka ka dhisan magaaladaas.

Safiirka Mareykanka ufadhiya Soomaaliya ninka lagu magacaabo Richard H. Riley oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika magacoodana loosoo gaabiyo AFRICOM General Brian Cashman, iyo xubno kale oo Ameerikaan ah ayaa maanta tagay magaalada Hargeysa, kuwaas oo kulamo la qaatay C/raxmaan Cirro oo ah hogaamiyaha cusub ee maamulka la baxay Soomaaliland.

Kulanka ay la qaateen Cirro kahor, waxa ay wafdigaan Ameerikaanka ah lasoo kulmeen Muuse Biixi oo ah hogaamiyihii hore ee maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahaaan Ameerikaanka ah ay u socdaan arrimo la xiriira, qorshayaal Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay Donald aTrump uu ka leeyahay dekadda magaalo xeebeedka Berbera, iyo sidii saldhig millateri ay ugu yeelan lahaayeen halkaas.

Sanadkii 2022-ka ayaa waxaa warbixinno lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta reer-galbeedka iyo kuwa kalaba lagu sheegay, in Mareykanka uu aad ugu howlan yahay sidii uu saldhig millatari kaga sameysan lahaa magaalo xeebeedka Berbera.

Xogo kale ayaa waxa ay tilmaamayaan in dowladaha Reer-galbeedka ay qorsheynayaan, sidii ay saldhigga ay ka sameysanayaan magaalada Berbera ugu adeegsan lahaayeen dagaalka ka dhan ah maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaallama dalka Yeman.

C/raxmaaan Cirro ayay wararku tibaaxayaaan in Saraakiisha Ameerikaanka ah ay usoo bandhigeen, siyaasadda cusub ee uu Mareykanku doonayo inuu kula dhaqmo maamulkiisa, maadaama labada dhinac waa Mareykanka iyo maamulka la baxay Soomaaalilan-ne ay ka dhaceen isbadallo xagga hogaanka ah.

Mareykanka ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee Soomaaliya waxa uu ku leeyahay xerada Balli-doogle oo ku taalla gobalka Sh-hoose, waxa uuna u adeegsadaa dagaalka uu kula jiro umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah, waxaana weerar culus oo 30-kii bishii September ee sanadkii 2019 ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggaas lagu dilay, in ka badan 120 xubnood oo isugu jiray Ameerikaan, Yahuud iyo qandaraaslayaal ajaanib ah.

Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments