Saacadihii lasoo dhaafay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay, dil loo geystay mid kamid ah dadka ku nool degmadaas.
Burcad mindiyo ku hubeysan ayaa waxa ay dileen nin ay dhac u geysteen, kaas oo ay ka qaateen mobile uu watay sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.
Dilka ruuxa la mindiyeeyay ayaa yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex galay kooxaha burcadda ah iyo ninka ay mobile-ka ka dhaceen.