Dhalinyaro Soomaaliyeed oo is xilqaantay, oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa uruuriyay lacago gurmad ah oo loogu talogalay Muslimiinta ku dhibaateysan Marinka Qazza, kuwaasoo sanad ka badan waajahaya gumaad wuxuushnimo oo uga imaanaya Maraykanka iyo Yahuudda.
Maalmaha Jimcaha ayaa qaar kamid ah masaajidda magaalada Muqdisho waxay dadku iska ururiyaan lacago ay ugu talogaleen walaalahooda Qazza kunool, kuwaasoo inkastoo aaney kaafin karin culeeska jira, hadana wax un u taraya Muslimiinta Qazza.
Mid kamid ah dhalinyarada horboodeysa mashruucan ayaa sheegaya iney ku guuleysteen in Marinka Qazza ay ka dhisaan ugu yaraan boqol teendho, oo ay midiiba ku hooyan karaan qoys ka kooban sideed xubnood, masjid ay dadku ku tukadaan, iyado ay sii dheertahay in dadkaasi la siiyo cunto ku filan saddexda waqti.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay iney ku guuleysteen in bishan sii socota horaanteeda ay mukhyamka Jabaaliyah ee dhaca wuqooyiga Qazza ay ugu yaraan labo boqol oo ruux loo qeybiyay mid boqol doollar oo lacag kaash ah.
Muslimiinta kunool caalamka ayaa u kala tartamaya iney maalkooda la qeybsadaan walaalahooda ku dhibaateysan Qazza, maadaama dadka badankood aaney awoodin iney halkaasi nafta geeyaan, sababo la xiriira iyadoo caalamka Islaamka ay ka taliyaan madax ku daaban Maraykanka iyo Yahuudda, kuwaasoo aan gorgortan ka galeynin ilaalinta amniga Sahaayinida iyo Maraykanka isku kaashanaya dilka reer Qazza.
Halkaan ka Degso Warbixinta Gurmadka