Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaBulshada Boosaaso oo ka Hadlay Maraakiibta uu Maamulka Puntland ku Fasaxay Xeebaha.

Bulshada Boosaaso oo ka Hadlay Maraakiibta uu Maamulka Puntland ku Fasaxay Xeebaha.

Shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inuu isagu u fasaxay xeebaha deegaannadaas iney ka kalluumeystaan maraakiibta Shisheeyaha.

Waxay sheegeen in dhalinyaradii Soomaaliyeed ay shaqo la’aan derbiyada la fadhiyaan, kii badda ka shaqeystana loogu yeeray inuu burcad badeed yahay, oo lasoo qabanayo, doonyihii uu wateyna la burburinayo.

Waxay soo jeediyeen in umadda Soomaaliyeed ay fadhiga ka kacaan, oo ay badooda ka difaacdaan Shisheeyaha, illeen cid u maqan oo u difaaceysa majirto’e.

Halkaan ka Degso Warka Boosaaso

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments