Boqallaal gaadiid ah oo ah nuuca shidaalka qaada ayaa waxa ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, kadib markii uu maamulka la baxay Puntland canshuurta ku kordhiyay gaadiidkaas.
Booyado badan oo shidaal sida ayaa waxa ay ku xanniban yihiin duleedka magaalada Boosaaso, kuwaas oo gabi ahaanba ka gudbi waayay koontaroolka lagu hakiyo gaadiidka ee duleedka magaaladaas.
Waxa ay ganacsatadu sheegeen iney xamili waayeen canshuur ay kusoo rogtay wasaaradda maaliyadda ee maamulka la baxay Puntland, taas oo 4 jibaar ka badan tii laga qaadi jiray ganacsatada.
Dadka qaar ayaa sheegaya, in tani ay daba socoto kadib markii uu maamulka la baxay Puntland canshuurta ka joojiyay gaadiidka ka yimaada dalka Itoobiya, taas badalkeedana uu canshuurtii uu ka qaadi jiray gawaaridaas uu iminka ka qaadayo ganacsatada Soomaaliyeed.