Sunday, January 12, 2025
HomeAll NewsBooliiska Dowladda Federaalka oo Soo Qabashada Axmed Madoobe u Kaashanaya Interpol.

Booliiska Dowladda Federaalka oo Soo Qabashada Axmed Madoobe u Kaashanaya Interpol.

Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in soo qabashada Axmed Madoobe ay u kaashaneyso waxa loogu yeero booliiska Adduunka ee Interpol.

Mahdi oo ah taliyaha booliiska Dowladda Federaalka gobolka Banaadir, ayaa sheegay iney soo qaban doonaan cid weliba oo ay maxkamadda Dowladda Federaalka amarto in lasoo qabto.

Wuxuu sheegay in qofkii maxkamad looga yeero haddii uu gudaha Soomaaliya jooga iyo meel ka baxsanbo ay u kaashan doonaan Interpol, sidaasina lagu soo qaban doono.

Warkiisa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo xiisadda ka dhex taagan Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ay cirka isku sii shareertay, maxkamadaha labada dhinac kala taabacsanna ay mid weliba amartay in lasoo qabto Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments