Maalintii shalay waxaa dalka Kenya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi ka dhacay, dibadbax ballaaran oo ay dhigayaan daadka Kenyanka ah, kaas oo ay kaga soo horjeedaan dilalka iyo afduubka kusii baahaya waddankaas.
Boliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dadka mudaaharaadyada ka dhigayay magaalada Nairobi ee kasoo horjeeda, mowjadaha dilalka iyo afduubka ah ee loo geysanayo dadka dhaleeceeya Dowladda Kenya.
Hey’aad sheegta iney u doodaan xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay tilmaameen, in bilooyinkii lasoo dhaafay uu afduubku xargaha goostay lana qafaashay tobannaan ruux, iyagoo Boliska iyo Sirdoonka Kenya ku eedeeyay iney si sharci darro ah ku xirayaan dadka.
Balse dowladda Kenya oo iska fogeyneysa eedeymahaas ayaa shaaca ka qaaday, in aysan aqbali doonin dilalka iyo afduubka aan sharciga aheyn ee ka socda dalkaas, kuwaas oo ay tilmaamtay in aysan marnaba ka qeyb qaadan ciidankeeda.
Dhalinyaro careysan oo wata boorar ay ku xardhan yihiin halku dhigiyo ka dhan ah dowladda Kenya iyo afduubyada ka socda dalkaaas ayaa shalay dibadbaxyo waxa ay ka dhigeen magaalada Nairobi, Boliska ayaase si uu ukala diro mudaaharaadayaasha waxa uu u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.
Waxaa dibabaxyada ka qeyb qaadanaya maasuuliyiin katirsan qoyaha mucaaradka ee Kenya, kuwaas oo midkood ay xabsiga dhigeen ciidanka Boliska ee dalkaaas.
Rabshadahaan oo markii hore kasoo billawday canshuurta xad-dhaafka ah ee ay dowladda Kenya kusoo rogtay dadka shacabka ah ayaa ugu dambeyn isku badalay kuwa ku saleysan qowmiyad, taas oo noqotay khatarta ugu weyn ee soo wajahda dowladda uu hogaamiyo William Ruto, kaas oo shalay sheegay in dowladdiisu ay joojin doono howlgallada afduubka ah.
Boliska Kenya ayaa lagu eedeeyay iney si gardarro ah ugu xiran yihiin 7 xubnood oo kamid ah kooxaha dibadbaxyada dhigayay, waxaana mid kamid ah dadkaasi uu sheegay iney cabsi la nool yihiin.
Sidoo kale waxaa xukuumadda Nairobi la sheegay iney xabsiga dhigtay 4 kamid ah dadka isticmaala baraha Internetka, kuwaas oo lagu eedeeyay iney sawirro foolxumeyn ah ka faafiyeen madaxweynaha dalkaaas.
Dowladda Kenya ayaa looga digay sii socoshada dilalka iyo afduubka ka dhacaya dalkeeda, waxaana qolyaha mucaaradka iyo dadka careysan ay sheegeen, ineysan joojin doonin dibadbaxyada illaa ay xukuumaddu wax ka qabato tabashooda, taas oo umuuqata mid mugdi sii galineysa xasiloonida dalkaas.