Biyo la’aan ayaa soo foodsaartay dadka ku dhaqan dhulka miyiga ah ee hoosyimaada degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe.
Dadkaan xoola dhaqatada ah oo meelaha fogfog uga soo waraab doonta ceelka degmada Aadan Yabaal ee gobalka Sh-dhexe ayaa sheegay, iney soo food saartay biyo la’aan.
Waxa ay tilmaameen in goobo loo socdo muddo ka badan 3 saacadood ay uga soo aruuraan ceelka, kaas oo aan iminka biyo fiican laheyn.