Banaabaxyadan oo laga soo horjeedo heshiis xukuumadda wadankaasi hakisay oo la xiriira ku biirista midowga Yurub, ayaa sedaxdii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada caasimadda u ah wadankaasi ee Tabliisi.
Dibadbaxyadan oo ay ka qeybgelayaan tobanaan kun oo qof, ayaa waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray 44 ruux.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa tuuraya dhagaxaan iyo waxyaabo kale, halka boolisku ay adeegsayaan waxyaabo ay uu kamid yahay gaaska dadka ka ilmeysiiya.
Tirada dadka ah ee dhaawacantay ayaa isugu jira 27 banaabaxayaash ah, 16 Boolis ah, iyo qof saxafi ah, sida war ay soo saartay ku sheegtay, wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda wadankaasi maalintii shalay.
Sigaar ah dibadbaxyadan waxay kaga dhaceen afaafka hore ee xarunta waxa loogu yeero Baarlamaanka ee ku taalla wadankaasi.
Waxa loogu yeero Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maalmo kahor soo saaray go’aan uu kaga soo horjeedo doorasho biishii hore ka dhacday dalkaasi, halka Xukuumadda Joorjiyana ay saacado soo saartay go’aan ay ku diideyso iney ku biirto midowga Yurub, go’aanadaasi iska soo horjeeda ayaana sabab u ahaa iney wadankaasi banaanbaxyo ka bilowdaan.