Sunday, November 17, 2024
HomeWarka DibaddaBaadarigii Kaniisadda Ingiriiska oo iska Casilay Kadib Fadeexad Culus.

Baadarigii Kaniisadda Ingiriiska oo iska Casilay Kadib Fadeexad Culus.

Jastin Wilbiy oo ahaa madaxa kaniisadda Ingiriiska ayaa maalintii Taladaada ee aynu soo dhaafanay isaga tegay, xilkii uu hayay, kadib markii ay kusoo baxday kaniisadda fadeexad la xiriirta, kufsi lagula kacay nasaaro badan oo isugu jira dumar iyo caruur.

Falkan ayaa waxaa ku kacay qareenkii geeriyooday ee Joon Samiith, wuxuu ka dhacay kaamamka xagaaga eek u yaalla wadamada Ingiriiska, Simbabwe iyo South Africa intii lagu gudajiray kontonkii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxa kaniisadda ayaa lagu eedeeyay in markii uu dhacay falkan uusan qaadin tallaabooyinkii ku laga rabay, islamarkaana Booliska uusan ku wargelin waqtigii ku haboonaa.

Arrintan ayaa waxaa lagu ogaaday baaritaan madaxbanaan oo la sameeyay, waxayna golaha qaranka ee kaniisadda Injaltaraa ka codsadeen Baadarigan inuu xilka isaga dego, maadaama ay ku eedeeyeen inuu lumiyay kalsoonidii lagu qabay kaniisadda sida ay hadalka udhigeen.

Qareenka dhintay ayaa noqday qofka ugu badan ee la kulmay falcelinada ka iimanaya dhanka Bulshada, waxaana kaloo baaritaankan madaxabanaan xogta laga bixyay lagu sheegay, in joon oo ah ninka dhintay uu ku kacay xad-gudubyo jireed oo uu kufsigu kamid yahay, falal argagax leh, kuwaasoo ay dhibanayaal uyihiin in kabadan 100 isugu jira caruur iyo dhalinyaro, waxayna falalkan ka dhacayeen sida lagu sheegay baaritaanka tan iyo laga soo billaabo 1970-kii.

Wakaaladda wararka ee Reuteras oo arrintan ka hadlay waxay sheegtaya, in bedelaya baadarigan haatana la ceriyay  ay kor yaallaan caqabado badan oo ay kamid  yihiin, mideynta kaniisada loo yaqaan Al-Injiliikaaniya, iyo ka shaqeynta imaanshiyaha kaniisadda oo hoos udhac dhan 20% uu ku socdo tan iyo 2019-kii,

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments