Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Dowladda Fedaraalka marar badan sheegtay in askar kasoo goostay maamulka la baxay Jubbaland ay kusoo biireen ciidankeeda, ayaa warar laga helay magaalada Kismaayo waxa ay sheegayaan, in Axmed Madoobe uu xabsiga dhigay sarkaal iyo ciidan katirsan maamulkiisa.
Taliyihii ugu sarreeyay ee ciidanka maamulka la baxay Jubbaland ayaa lasoo warinayaa in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay, isagoo dhanka kale dallacsiiyay saraakiil kale oo uu kalsooni ku qabo.
Waxaa sidoo kale la xiray saraakiil dhowr ah oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Xamse Cabdi Barre oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka.