Hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland oo ay Dowladda Fedaraalka ujartay waaran soo qabasho ah ayaa usafray dalal ay kamid yihiin Kenya iyo Imaaraatka Carabta.
Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland, ayaa waxa uu safar ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo uu kasii aadayo Imaaraatka Carabta sida ay sheegayaan xogo la helay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in uu sii aadi doono dalka Itoobiya, balse taliyaha Sirdoonka ee Xabashida ayaa tagay magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Axmed Madoobe.
Tallaabadaan ayaa fadeexad weyn ku noqotay Dowladda Fedaraalka oo horay u sheegtay iney Axmed soo qaban doonto, balse taasi ayaa noqotay mid ay ku hungowday.
Maxamed Ibraahim Ogle oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka la baxay Jubbaland, ayaa waxa uu sheegay in haddii ay Dowladda Fedaraalka ay awoodo xiritaanka Axmed Madoobe ay iminka jirin cid ka hortaagan, ayna arki doonaan haddii ay taaso awoodo.