Askar katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa nolol iyo geeri lagu la’ayahay kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubada-hoose.
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii uu maamulka la baxay Jubbaland ku qaaday deegaanka Raaskambooni, ciidanadii Dowladda Fedaraalkana ay uqeybsameen wax la laayay iyo kuwa firxad isugu dhiibay Kenya, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in nolol iyo geeri toona lagu la’yahay ku dhawaad 20 askari.
Askarta la la’yahay oo 17 askari ah ayaa ehelladooda waxa ay baahiyeen sawirradooda, iyagoona baafin iyo baadi goob ku billaabay.
Waxay sheegeen in tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii Raaskambooni aysan nolol iyo geeri ku heyn wiilashooda, Dowladda Fedaraalkana aysan ka helin wax jawaab ah.